Juventus Oo Xaqiijisay Mustaqbalka Cristiano Ronaldo

Agaasimaha Kooxda Juventus ee Fabio Paratici ayaa xaqiijiyay in uu Xiddiga Cristiano Ronaldo sii joogi doono kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Xiddiga 5-ta jeer ku guulaystay abaalmarinta Ballon d’Or-ka ayaa si weyn loola xidhiidhinayay ka tagista Juventus todobaadyadii ugu dambeeyay kadib markii ay kooxdu si lama filaan ah uga hadhay champions League.

Laakiin Fabio Paratici ayaa sheegay in uu Crisiano sii joogi doono kooxda xilli ciyaareedka dambe meelna uuna uga socon kooxda.

Fabio Paratici oo la hadlaya Sky Italia ayaa yidhi”Waxa aan go’aansanay in aan sii haysano Cristiano Ronaldo, waa xiddiga ugu fiican adduunka wuuna nala sii joogi doonaa.

Xiddia reer Portugal ayaa dhaliyay 23 gool 24 kulan oo horyaalka Serie A-da ah oo uu ciyaaray xilli ciyaareedkan laakiin waxa kooxdiisa ayaa u muuqata kuwo seegi doona ku guulaysiga horyaalka xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*