Juventus Oo U Dhaqaaqaysa Saxiixa xiddigaha Memphis Depay, Erling Haaland Ama Arkadiusz Milik & Alvaro Morata Oo Sabab U Ah.

Mustaqbalka Alvaro Morata ee Juventus ayuu shaki soo fuulay iyada oo dhamaadka xilli ciyaareedkan go’aan laga gaadho doono in heshiiskiisa amahaada ah la dhamaystiro iyo in kale.

Morata ayaa xagaagii Amaah ugu soo laabtay Juventus isaga oo kaga soo biiray Atletico Madrid waliba ah xiddiga 2-aad ee ugu goolasha badan kooxda.

Kooxda Juventus ayaa sii dheeraysan karta amaahda ay ku haysato xiddiga ama si toos ah ugula wareegi karta r1 milyan oo euro dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga 28 jirka ah ayaa dhaliyay 16 gool 33 kulan oo tartamada oo dhan ah waxana uu muhiim u ahaa qorshahah tababare Andrea Pirlo ee kooxda

Laakiin ka hadhistii champions League ayaa keenaysa in ay Juventus isku shaandhay weyn ku samayso kooxda suuqa xagaaga.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in ay Juventus u dhaqaaqi doonto xiddiga Lyon ee Memphis Depay si uu kooxda uga caawiyo in ay u tartanto ku guulaysiga champions League xilli ciyaareedka dambe.

Sidoo kale kooxda ayaa u dhaqaaqi doonta xiddigaha Arkadiusz Milik ama Erling Haaland hadii uu Alvaro Morata isaga tao kooxda xagaaaga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*