Juventus Oo Suuqa Dhigtay Shan Xiddig Oo Kooxda 1-aad Ah.

Kooxda Juventus ayaa nadiifin ku samayn doonta kooxdeeda iyada oo haatanba suuqa dhigtay ugu yaraan 5 xiddig kuwaas oo ay diyaar u tahay in ay dhagaysato dalabyada u imanaya xagaaga.

Tababare Andrea Pirlo ayaa isku shaandhayn ku samayn doona kooxdiisa waxana uu suuqa dhigay dhawr xiddig oo muhiim u ah kooxda sida uu sheegayo wargayska Daily Mail.

Kooxda Juventus ayaa u muuqata kuwo waayay horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan kadib markii ay 9 sano oo xidhiidh ah ku guulaystay halka ay ka hadhay champions League xilli ciyaareedkan.

Mustaqbalka Cristiano Ronaldo ayaa dhankiisa shaki ku jiraa maadama aanay kooxdu heshiis cusub u soo bandhigin xiddiga reer Portugal.

Xiddigaha Paulo Dybala, Alex Sandro, Juan Cuadrado, Aaron Ramsey Iyo Adrien Rabiot ayaa ah xiddigaha ay kooxda Juventus suuqa dhigtay si ay u dhagaysato dalabyada u imanaya suuqa xagaaga.

Sii Akhriso: 5 Calaamad Oo Aad Ku Ogaan Karto In Jacaylkaagu Dhab Yahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*