Juventus Oo Suuqa Dhigtay 6 Xiddig Oo Kooxda 1-aad Ah.

Kooxda Juventus ayaa lagu soo waramayaa in ay suuqa dhigtay 6 xiddig oo kooxdeeda ah si ay u hesho lacag ay ku xoojiso kooxda suuqa xagaaga.

Kooxda Andrea Pirlo ayaa xaqiijiyay bilowgii sanadkan in ay la kulmeen khasaare lacageed oo dhan 99 milyan oo euro sidaas darteed ay kooxdu u baahantahay in ay iska dirto xiddigo dhawr ah.

Kooxda Juventus ayaa diyaarisay liis 6 xiddig ah kuwaas oo ay doonayso in ay iska iibiso xagaaga iyaga oo doonaya in ay xiddigahaas ka soo saaraan lacag dhan 100 milyan oo euro.

Wargayska Il Corriere dello Sport ayaa sheegaya in ay kooxda Juventus suuqa dhigtay xiddigaha Weston McKennie, Aaron Ramsey, Alex Sandro, Merih Demiral, Federico Bernardeschi & Adrien Rabiot.

Juventus ayaa sidoo kale doonaysa in ay iska fasaxdo xiddigo haatanba kooxda amaah uga maqan kuwaas oo kala a Mattia De Sciglio kaas oo jooga Lyon halka Douglas Costa oo jooga Bayern Munich ay sidoo kale doonayso in ay iska iibiso xagaaga.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Su’aalo Xiiso leh Oo Aad Waydiin Kartid Gacaliyayaaga Waliba Qaligiisa Kugu Dhawaynaya, Ha Kaga Waaban Hadda Waydii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*