Juventus Oo Qorshe Cusub U Bandhigtay Weeraryahankooda Paulo Dybala Xilli Laacibka Uu Bixiyay Jawaab

Kooxda Juventus ayaa diyaar u ah in waqti badan ay weeraryahankooda Dybala ku sii hayaan kooxda marwada duqoowday

Sida Clacio Mercato qoreyso , Juve aya wadda qorshe ay hishiis cusub ugu saxiixaneyso laacibkaas oo ay u arkaan mid muhiim ka ah shaxda kooxda

Hishiiska haatan ee wiilkaas reer Argentina waxa uu dhacayaa xagaaga 2022-ka balse Juve ayaa dooneysa in ay laba sano dheeraad ah ay ugu daraan

Wadahadallo todobaadyo socday ka dib , Juve waxa ay Paulo Dybala ku war giliyeen hindisahaas hishiis kordhinta waliba lagu dhawaaqayo waqti dhaw

Balse sida wargeyskaas uu sheegayo , Paulo Dybala ayaa codsaday in la siiyo waqti kooban oo uu si fog ula tasho wakiilkiisa ka hor inta uusan ogalaan kordhinta hishiiskiisa

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*