Juventus Oo Man City Ku Garaacaysa Saxiixa Xiddig Baxsad Ka Ah Bayern Munich.

Kooxda Juventus ayaa wadahadalo horumar leh kula jirta xiddiga daafaca Bidix uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee David Alaba.

David Alaba ayaa ku jira bilihii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa kooxda Bayern Munich waxana uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda.

Xiddiga reer Austria ayaa si xor ah uga tagi kara kooxda Bayern Munich xagaaga ama lacag aad u jaban kaga tagi kara kooxda suuqa January.

Warargayska Sports Mole ayaa sheegaya in ay kooxda juventus wadahadalo horumar leh kula jirto wakiilka xiddiga iyaga oo doonaya in ay si ay u dhaqaaqaan suuqa January ama xagaaga dambe.

Alaba ayaa ka ciyaari kara dhawr boos oo daafaca iyo khadka dhexe ah waxana uu Pirlo u doonayaa in uu ku xoojiyo kooxdiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*