Juventus Oo Ku Dhibaatoonaysa In Ay Paulo Dybala Ka Saxiixato Heshiis Cusub & Real Madrid Oo Sabab U Ah.

Kooxda Juventus ayaa lagu soo waramayaa inay ku sii adkaaneyso inay heshiis la gaarto xiddiga weerarka uga ciyaara ee kooxda ee Paulo Dybala si ay heshiis cusub uga saxiixato sabab la xidhiidha Real Madrid.

Agaasimaha kooxda Talyaaniga Fabio Paratici ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in kooxdu ay wadahadalo kula jirto 26 jirkaan si ay heshiis cusub uga saxiixato marka loo eego in uu heshiiskiisu dhici doono xagaaga 2022.

Si kasta ha ahaatee waxa la hadal hayaa mustaqbalka xiddiga todobaadyadii ugu dambeeyay iyada oo ay Real Madrid doonayso saxiixa xiddiga.

Wararka ayaa sheegaya in ay Real Madrid diyaarinayso dalab ay ku jiraan xiddigaha Isco iyo Vinicius Junior si ay u helaan saxiixa xiddiga Dybala.

Wargayka Calciomercato Ayaa sheegaya in uu xiddiga reer Argentine doonayo in uu ku biiro kooxda Real Madrid halka uu heshiis cusub u saxiixi lahaa kooxda Juventus.

Sii Akhriso: Qorshihii Doorashada Ee Heshiiskii Farmaajo iyo Maamul Goboleedyada oo Fashilmay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*