Juventus Oo Ka Jawaabtay Dalab Weyn Oo Ay Liverpool Ka Gudbisay Saxiixa Daafac U Ciyaara Kooxdeeda.

Kooxda Liverpool ayaa saacadihii ugu dambeeyay dar-dar galinaysa raadinteeda ay ugu jirto daafac cusub maalmaha ka dhiman suuqa kala iibsiga January.

Kooxda Liverpool ayaa dalab Rasmi ah ka gudbisay saxiixa daafaca kooxda Juventus ee Merih Demiral si ay xiddiga ugu xoojiso daafaceeda inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Shabakada Sky Italia Ayaa sheegaysa in ay kooxda Liverpool dalab Rasmi ah oo dhan 45 milyan oo euro ka gudbisay saxiixa daafaca dhexe ee Merih Demiral si ay ugu xoojiso daafaceeda dhibaataysan.

Laakiin Sky Italia ayaa sheegaysa in ay kooxda Juventus isla markiiba diiday dalabkaas iyada oo Liverpool u sheegtay in uuna daafacu iib ahayn bishan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*