Juventus Oo Ka Hadashay Xaqiiqada Wararka Cristiano Ronaldo La Xidhiidhinaya In Uu Isaga Tagaya Kooxda.

Agaasimaha kooxda Juventus ee Fabio Paratici ayaa ka hadlay go’aanka kooxda ee ku aadan xiddiga ugu fiican ee Cristiano Ronaldo kadib markii ay soo bexeen warar sheegaya in uu isaga tagayo kooxda.

Fabio Paratici oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa aan kuu xaqiijin karaa in mustaqbalka Cristiano Ronaldo yahay Juventus”.

“Wax muhiimad ah ma siinayno wararka suuqa sababta oo ah maalin walba waxa jirta koox lala xidhiidhiyo Cristiano”.

Hadalka Agaasimaha ayaa imanaya kadib markii maalmihii ugu dambeeyay si weyn loola xidhiidhinayay kooxaha PSG, Man United iyo Real Madrid.

Sidoo kale waxa jira warar sheegaya in uu Ronaldo xidhiidh la sameeyay Real Madrid si uu ugu laabto kooxdiisii hore.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*