Juventus Oo Ka Hadashay Wararka La Xidhiidhinaya Xiddiga Paul Pogba.

Agaasimaha isboortiga kooxda Juventus ee Fabio Paratici ayaa sheegay in ayna Juventus haatan in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Paul Pogba.

Xiddiga koobka adduunka ku guulaystay ayaa lala xidhiidhinayaa in uu ka tagayo kooxda Man United tan ilaa markii uu ku soo laabtay kooxda Man United sanadkii 2016.

Inkasta oo uu Agaasimaha kooxda Juventus ee Paratici ka ssaaray in ayna Juventus u dhaqaaqi doonin xiddiga Pogba mustaqbalka dhaw hadana waxa laga yaabaa in ay u dhaqaaqi doonaan xagaaga dambe.

Isaga oo la hadlaya Sky Italy ayaa yidhi”Marka laga hadlayo Pogba, waa xiddig Man United ah haatan waana wakhti hore in laga hadlo bartilmaameed suuqa ah”.

“Waan doonaynaa in uu Pogba kooxdeena joogo waana xiddig kooxdeena u soo ciyaaray kaas oo Juventus wax weyn siiyay waana xiddig fiican laakiin waa wakhti hore in laga hadlo suuqa”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*