Juventus Oo Ka Hadashay Wararka La Xidhiidhinaya Paul Pogba, Fariin Cad Ayay Direen.

Agaasimaha ciyaaraha kooxda Juventus Federico Cherubini ayaa beeniyay in kooxdu ay danaynayso inay dib ula soo saxiixato xiddiga qadka dhexe ee Manchester United Paul Pogba.

28 jirkaan ayaa galay 12-kii bilood ee ugu dambeeyay heshiiskiisa kooxda Man United waxaana lala xiriirinayay kooxo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Juve, Real Madrid, Barcelona iyo Paris Saint-Germain.

Pogba ayaa si xor ah uga biiray Juventus sanadkii 2012 laakiin Cherubini ayaa xaqiijiyay in kooxdu ay hadda dooneyso inay bartilmaameed ka dhigato ciyaartoy da ’yar, oo uu ku jiro weeraryahanka Borussia Dortmund Erling Braut Haaland.

“Suuqa waxa aan ka raadin doonaa xiddigo da’yar ah sdia Haaland ka hor inta aanan lacag galin xiddigo waaweyn, lacag kasta oo suuqa la galiyo waxa ay noqon doonaan xiddigaha da’yarka ah”Cherubini ayaa u sheegay Daily Mirror.

Hadalkan ayaa beeninaya wararkii uu sheegay wakiilka Paul Pogba ee Mino Raiola kaas oo sheegay in uu xiddiga reer france ku laaban karo Juventus xagaaga dambe.

Sii Akhriso: Sideed Ku Garanaysaa Qofka Si Qarsoodi Ah Kaaga Fikirayo?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*