Juventus Oo Ka Hadashay Wararka Ku Saabsan Mustaqbalka Cristiano Ronaldo.

Agaasimaha ciyaaraha ee kooxda Juventus ayaa shaaca ka qaaday in ayna jirin calaamado muujinaya in uu Cristiano Ronaldo ka tagi doono kooxda Juventus isaga oo diiday wararka sheegaya in uu xiddigu kooxda ka tagi doono xagaagan.

Mustaqbalka Cristiano Ronaldo ayuu shaki weyn ku jiraa iyada oo xiddiga lala xidhiidhinayo kooxo badan oo ay ka mid yihiin Man United iyo PSG xilli uu dhawyahay heshiiskiisa kooxda Juventus.

Federico Cherubini ayaa yiri: “Ma jirin wax cadeyn ah oo ka yimid dhanka Ronaldo oo muujinaya suurtagalnimada uu uga tagayo kooxda, Aad ayaan ugu faraxsanahay in Ronaldo uu ku soo biiri doono kooxda sida ugu dhaqsaha badan, waxana uu tababarka kooxda ku soo laaban doonaa marka uu so dhamaysto fasaxiisa”.

Warkan ayaa meesha ka saaraya wararka sida weyn ugu saabsan mustaqbalka xiddiga iyo bixitaankiisa suurtagalka ah ee kooxda Juventus inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Juventus ayaa isku diyaarinaysa xilli ciyaareed ay doonayso in ay soo ceshato horyaalka oo ay u wayday kooxda Inter Milan oo ku guulaystay xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 4 Calaamad Oo Muujinaysa In Uu Ninku Iska Dhigayo In Uu Ku Jecelyahay Laakiin Uuna Wax Jacayl Ah Kuu Hayn.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*