Juventus Oo Iska Xaadirisay Final-ka Coppa Italia Kadib Markii Ay Dhaaftay Inter Milan.

Kooxda Juventus ayaa iska xaadirisay Final-ka tartanka Coppa Italia kadib bar-baro ay la gashay kooxda Inter Milan kulan ka tirsanaa lugta 2-aad ee Semi-finalka tartanka Coppa Italia.

Kooxda Juventus ayaa lugtii hore ku soo badisay 2/1 waxana ay kulanka soo gashay iyaga oo hal lug kula jira final-ka tartanka Coppa Italia.

Kulanka ayaa ahaa mid ay kooxda Inter Milan ahayd kuwa fiican dhanka weerarka iyaga oo Juventus ku qaadayay weeraro halis ah laakiin Juventus ayaa si fiican u difaacatay.

Dhanka kale Juventus oo aan wax deg-deg ah ugu jirin in ay goolal dhaliso ayaa maamulaysay kubada iyaga oo kubad haysashada kaga fiicnaa kooxda Inter Milan.

Inkasta oo ay Inter Milan wax walba u samaysay si ay u dhaliso goolal hadana waxa ka maqnaa dhamaystirka iyaga oo aan awoodin in ay dhamaystiraan fursadaha ay helaan.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay labada kooxood ku kala bexeen bar-baro 0/0 ah waxana sidaas natiijadii hore final-ka ugu baxday kooxda Juventus oo iska xaadirisay Final-ka tartanka Coppa Italia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*