Juventus Oo Hishiis Is Weydaarsi La Galeysaa United , Xiddig Cajiib Ah Ayay Ka Ishaarteen

Kooxda Juventus ayaa dooneysa in ay kooxda ku soo biiriyaan xiddig cusub oo garabka bidix ka ciyaara marka suuqa xagaaga uu furmo dhawaan .

Juve booskaas garabka bidix waxa ay haatan u haystaan Alex Sandro iyo  Gianluca Frabotta balse labada laacib kuma ayna soo muuqan heer ciyaareed wacan waana midda keeneysa in xiddig cusub raadsadaan

Claciso Mercato ayaa haatan sheegeysa in Juve ay ku dhagan tahay in xagaaga la soo hishiiyaan Alex Telles oo United u jooga

Juve ma haystaan lacag Telles kula soo wareegaan sidaa darteed hishiis is weydaarsi ah ayay diyaar la yihiin

Waxa ay shabakadaas sheegeysaa in Juve u bandhigeen United saxiixa qadkooda dhexe ee Adrien Rabiot si dhankooda u helaan Telles

Adrien Rabiot ayaa Juve u yimid xagaagii 2019-kii waqtigaas oo uu ka soo wareegay PSG ,  waxa uu xilli ciyaareedkaan saftay 40 kulan dhamaan  tarmada ay Juve ku jirto xilli uu dhaliyay sedex gool.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*