Juventus Oo Hal Arin Darteed Saxiixa Houssem Aouar Hali Karta January , Yaa Ka Caawinaya Arintaas?

Kooxda Juventus ayaa so dhab ah ugu biirtay loolanka loogu jiro saxiixa xiddiga kooxda Lyon ee Houssem Aouar.

Laacibkaas 22 sano jirka ah waxa xagaagii si weyn loola xariiriyay Arsenal balse markii ay ku fashilmeen saxiixiisa waxa ay la soo wareegeen Thomas Partey

Tutto Sport ayaa sheegeysa in Juventus ay haatan ku horeyso loolanka saxiixa laacibka ayna wadahadallo wax ku ool ah ay kula jiraan wakiilka laacibka iyo kooxda.

Juve waxa ay xittaa diyaar u tahay hishiis is weydaarsi , waxa ayna u bandhigeysaa Lyon mid ka mid ah xiddigeeha kaasi oo aan la helin magaciisa

January ayay dooneysaa Juve in ay helaan Houssem Aouar waxaana la xusayaa in Houssem Aouar uu ogalaan doono in Juve u yimaado maadaama uu haminayo in uu mar ka garab ciyaaro Ronaldo

Houssem Aouar waxa uu kooxdaas u dhaliyay 25 gool halka 27 kalana uu sameeyay ka dib 142 kulan oo u saftay kooxdaas .

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*