Juventus Oo Guul Weyn Ku Bilaabatay Champions League, Malmo Ayay Garaaceen.

Kooxda Juventus ayaa guul weyn ku bilaabatay xilli ciyaareedka champions League iyaga oo garaacay kooxda Malmo kulan ka tirsanaa wareega Group-yada labada kooxood.

Juvnetus ayaa ahayd kooxda maamulaysa ciyaarta xilli ay Malmo ku dhibaatoonaysay in ay awoodooda ku soo bandhigto ciyaarta.

Max Allegri iyo kooxdiisa ayaa u muuqday kuwo aan tabin maqnaanshaa Cristiano Ronaldo oo ka tagay kooxda intii lagu jiray suuqii xagaaga.

Daqiiqadii 23-aad ayay Juventus dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Alex Sandro kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0 ay Juventus ku hogaaminaysay ciyaarta.

Kooxda Juventus ayaa sii waday dadaalka ay ku doonaysay goolal xilli ay Malmo difaac ku jirtay si aan goolal kale looga dhalin maadama ayna iyagu goolal dhalin karin.

Daqiiqadii 45-aad ayay Juventud dhalisay gool kadib markii rikoodhe loo dhigay kooxda waxana goolka u dhaliyay xiddiga Paulo Dybala kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0

Ka hor inta ayna dhamaan qaybta hore Juventus ayaa dhalisay goolka 3-aad waxana u dhaliyay xiddiga Alvaro Morata kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0 daqiiqadii 45+1-aad.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayaan wax saamayn ah dhicin waxana ay ciyaartu ku dhamaatay 3/0 ay Juventus qaybtii hore dhalisay iyaga oo sidaas guul ugu bilowday xilli ciyaareedka.

Sii Akhriso: Farsamooyinka Qarsoodiga Ah Ee Ay Dumarku Adeegsadaan Si Ay Ugu Qiimeeyaan In Uu Ninku Yahay Mid Ku Haboon Iyada, Iska Baro Niniwo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*