Juventus Oo Guul Dirqi Ah Ka Gaadhay Torino.

Kooxda Juventus ayaa guul dirqi ah ka gaadhay kooxda Torino kulanka Derby-ga magaalada Torin iyaga oo sii wada guulaha xidhiidhka ah ee horyaalka.

Xiddiga Manuel Locatelli ayaa Kooxdiisa ku hogaamiyay guul muhiim ah oo daqiiqadiihii ugu dambeeyay ee ciyaarta kaas oo ahaa mid aad ugu adag labada kooxood.

Kulanka ayaa ahaa mid adag oo ay labada kooxood ku dhibaatoodeen in ay goolal dhaliyaan hogaankana u qabtaan ciyaarta.

Daqiiqadii 89-aad ayay dhalisay kooxda Juventus goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Manuel Locatelli kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*