Juventus Oo Garaacday Sampdoria Cadaadiskana Ku Sii Haysa Kooxaha Reer Milan.

Kooxda Juventus ayaa guul ay u qalantay ka gaadhay kooxda Sampdoria kulan ka tirsanaa horyaalka Serie A-da.

Kulanka ayaa ahaa Mid ay Juventus maamulaysay kana awood badnayd kooxda Sampdoria Kuwaas oo isku dayay in ay Juventus ka yaabsadaan.

Xiddiga Federico Chiesa ayaa daqiiqadii 20-aad u dhaliyay goolka 1-aad kooxda Juventus kadib markii uu Alvaro Morata u dhiibay kubad fiican.

Qaybtii dambe daqiiqadii 56-aad ayay Juventus dhalisay gool laakiin goolkaas ayaa la diiday sabab la xidhiidha Offside uu Alvaro Morata ku jira.

Kooxda Juventus ayaa daqiiqadii ugu dambaysay ee qaybta dambe ee ciyaarta dhalisay goolka 2-aad iyaga oo u u dhaliyay xiddiga Aaron Ramsey kaas oo gool u badalay baas uu u dhiibay xiddiga Juan Cuadrado.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Juventus kaalinta 3-aad soo gashay iyaga oo leh 39 dhibcood cadaadisna ku sii haysa kooxaha Inter Milan iyo Ac Milan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*