Juventus Oo Garaacday Ac Milan Dhabarkana U Saartay Guuldaradii Ugu Horaysay Ee Serie A-da.

Kooxda Juventus ayaa noqotay kooxdii ugu horaysay ee garaacda Ac Milan xilli ciyaareedkan kulan ka tirsanaa horyaalka Serie A-da.

Kulanka ayaa ahaa kulan dhinac kaliya ah iyada oo kooxda Juventus ahayd kooxda fiican xilli ayna Milan u ciyaarin si fiican.

Kooxda Juventus ayaa daqiiqadii 18-aad dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga khadka dhexe ee Federico Chiesa kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Laakiin Ac Milan ayaa daqiiqadii 41-aad dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Davide Calabria Kaas oo ciyaarta ku soo celiyay 1/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta iyada oo ay Juventus u qalantay in ay garoonka kala baxdo natiijo intaas ka weyn.

Qaybtii dambe ayay Juventus si dar-dar leh ku bilaabatay iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolal ay hogaanka ugu qabtaan ciyaarta.

Daqiiqadii 62-aad ayay Juventus dhalisay goolka 2-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga khadka dhexe ee Federico Chiesa kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Juventus ayaa daqiiqadii 76-aad dishay ciyaarta iyaga oo uu goolka u dhaliyay xiddiga Weston McKennie kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1 ay Juventus ku hogaaminayso.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Juventus noqotay kooxdii ugu horaysay ee guul ka gaadha Ac Milan xilli ciyaareedkan horyaalka Serie A-da.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*