Juventus Oo Farriin U Soo Dirtay Pogba , Maxaa Ka Cusub Xiisaha Ay U Qabaan Saxiixiisa?

Inkastoo 4 sano ka hor uu ka tagay Juventus , weli Pogba xiiso ayaa looga qabaa kooxdaas marwada duqoowday sida uu shaaciyay sarkaal sare oo ka tirsan kooxdaas

Pogab ayaa United  ku soo laabtay xagaagii 2016-ka , waxaana in muddo lala xariirnayaa haaaan in uu ku laaban doono Juve ama uu aadi doono kooxda Real Madrid.

Haatan , agaasimaha ciyaaraha Juventus ayaa qiray in weli Jaceyl ay u qabaaan Pogba ” waan jecelnahay waayo waa xiddig cajiib ah” ayuu sarkaalkaas ka yiri wargeyska AS .

Mar la weydiiyay in uu bartilmaameed uu u yahay haatan waxa uu agaasimahaas ku jawaabay” Pogba haatan waa xddig Unted ah , waa ay adag tahay in xilligaan laga hadlo “.

Pogba oo aan ku jirrin heer ciyaareedkii lagu yaqiinay ayaa waxaa sidoo kale dooneysa Real Madrid halka dhankiisana uusan qarin xiisaha uu u qabo in uu mar uun hoos ka ciyaaro tababare Zidane

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*