Juventus Oo Dhibaatoota Marka Uu Cristaino Ronaldo Ka Maqanyahay

Kooxda Juventus ayaa maanta la ciyaari doonta kooxda Atalanta iyada oo uu ka maqanyahay xiddiga Cristiano Ronaldo kaas oo dhaawac kaga maqnaan doona kulanka.

Laakiin maqnaanshaha Cristiano Ronaldo Ayaa war xun u ah kooxda Juventus marka loo eego in ay kaliya badiyeen 2 kulan oo ka mid ah 6 kulan oo ay ciyaareen la’aanta Cristiano Ronaldo Xilli ciyaareedkan.

Cristiano Ronaldo ayaa ka maqnaan doona Juventus kulankii 7-aad xilli ciyaareedkan laakiin Juventus ayaa kaliya badisay 2 kulan mrkii uu ka maqnaa xiddiga ugu fiican kooxda.

Xiddigii hore ee Real Madrid ayaa seegay 4 kulan bishii October kadib markii laga helay xanuunak Korona.

Juventus ayaa garaacday kooxda Dynamo Kyiv ka hor inta ayna guuldaro kala kulmin Barcelona sidoo kale bar-baro la galin kooxaha Crotone iyo Hellas Verona.

Cristiano Ronaldo ayaa la nasiyay kulankii Benevento bishii November markaas oo ay Juventus gashay bar-baro 1/1 ah halka ay 4/0 ku badisay kooxda SPAL kulan ka tirsanaa Coppa Italia.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 4 Su’aal Oo Cajiib Ah Oo Aad Waydiisid Gabadha Hadii Aad Jeceshahay, Waxyaabo Badan Ayay Kuu Kala Cadaynaysaa, Hadda Waydii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*