Juventus Oo Chelsea U Soo Bandhigtay 2 Xiddig Si U Hesho Jorginho.

Kooxda Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in loo soo bandhigay in ay kala doorato laba xiddig oo u ciyaara Juventus si uu uga qayb qaato heshiiska ay kooxda reer Italy ku doonayso saxiixa Jorginho.

Juventus ayaa lagu soo waramayaa in ay kor u qaaday dadaalka ay ku doonayso saxiixa Jorginho iyada oo uu Maurizio Sarri si aad ah u doonayo saxiixa xiddiga reer Italy.

Wargayska Tuttosport ayaa sheegaya in ay Juventus kooxda chelsea u soo bandhigtay xiddigaha Aaron Ramsey & Adrien Rabiot si ay Jorginho u helaan badalkooda xagaaga.

Wararka ayaa sheegaya in ay chelsea diidantahay in ay xiddiga ku iibiso wax ka yar 58 milyan oo euro oo ah lacagtii ay 28 jirka ka soo bixisay.

Jorginho ayaa chelsea u saftay 37 kulan tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 6 gool iyo 2 caawin.

Sii Akhriso: Dadka Gaajo Darteed Ugu Dhiman Kara Xanuunka Korona Dartiis Oo La Saadaaliyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*