Juventus Oo Chelsea U Soo Bandhigaysa Heshiis Isku Badalasho Ah, Mason Mount Ayay Ka Doonayaan.

Kooxda Juventus ayaa lagu soo waramayaa in ay Chelsea u soo bandhigayso heshiis isku badalasho ah oo ay is dhaafsanayaan xiddigaha Mason Mount Iyo Federico Chiesa.

Mount ayaa ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan chelsea waxana uu dhaliyay 32 gool halka uu caawiye ka noqday 37 kale 181 kulan oo uu ciyaaray.

Si kasta ha ahaatee xiddiga ayuu 19 bilood uga dhimantahaynheshiiskiisa kooxda chelsea ilaa haatana heshiis cusub ma oglaan.

Sida laga so xigtay Calciomercato, Juventus ayaa chelsea u soo bandhigi doonta xiddiga Federico Chiesa si ay iyaguna u helaan xiddiga Mount.

Xiddiga Federico Chiesa ayaa muhiim ka ahaa kooxda Juventus laakiin waxa uu dhaawac jilibka ah kaga maqnaa kooxdiisa muddo aad u dheer.