Juventus Oo Bilowday Wadahadalada Ay Ku Doonayso Weeraryahan U Ciyaara Arsenal

Kooxda Juventus ayaa lagu soo waramayaa inay wadahadalo la furtay wakiilka Alexandre Lacazette si ay ugala hadlaan heshiiska ay kooxdu ku doonayso weeraryahanka Arsenal.

Kooxda Reer Italy ayaa lagu soo waramayaa inay dooneyso inay la soo saxiixato weeraryahan cusub xagaagaan si ay ugu bedelaan Gonzalo Higuain, Mustaqbalka Lacazette ayaa si weyn loo hadal hayaa kaas oo laga yaabo in uu isaga tago kooxda.

29 jirkan ayaa dhaliyay seddex gool afartii kulan ee ugu dambeysay ee uu u saftay Gunners kadib markii uu dib uga mid noqday xiddigaha ugu muhiimsan kooxda 1-aad.

Sida laga soo xigtay Le 10 Sport, Juvetus ayaa wadahadalo la yeelatay wakiilada xiddiga reer France si ay u ogolaato in uu diyaar u yahay in uu ku biiro Turin xagaaga.

Wararka ayaa sheegaya in ay kooxda Juventus ku rajo weyntahay in tartanka cusub uu soo jiidan doono Lacazette kaas oo sidoo kale xiiso ka helaya kooxda Atletico Madrid.

Weeraryahankii hore ee kooxda Lyon ayaa dhaliyay 12 gool 35 kulan oo uu u saftay kooxda Mikel Arteta xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: Somaliland: Banaanbaxyo Ka Dhacay Gobolka Awdal & Dhalinyaro Hogaaminaysay Banaanbaxa & Sababta Keentay Banaanbaxaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*