Juventus Oo Barcelona Ula Tagtay Qorshe Ay Kaga Helayso Saxiixa Miralem Pjanic

Kooxda Juventus ayaa lagu soo waramayaa in ay Barcelona u soo bandhigtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Aaron Ramos si ay uga hesho badalkiisa xiddiga Miralem Pjanic inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Ramsey ayaa si weyn loola xidhiidhinayay in uu ka tagayo Juventus kadib markii uu ku dhibaatooday xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay kooxda dhanka kale Pjanic ayaan wakhti fiican ku qaadan Barcelona tan ilaa markii uu ku biiray kooxda.

Haatan Wargayska Calciomercato ayaa sheegaya in ay kooxda Juventus Barcelona u soo bandhigtay xiddiga Ramsey si ay ugu badashaan Pjanic inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Tababare Allegri ayaa Pjanic kula soo shaqeeyay kooxda Juventus waxana uu doonayaa in uu mar kale xiddiga reer Bosnia kula shaqeeyo kooxda Juventus xilli ciyaareedka dambe.

Dhanka kale Barcelona ayaa doonaysa xiddig khadka dhexe ka ciyaara oo mushahar yar qaata maadama ay doonayso in ay dhinto mushaharka ay siiso xiddigaha kooxda haatan jooga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*