Juventus Oo Badalka Cristiano Ronaldo Ka Doonaysa Man City.

Kooxda Juventus ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man City ee Gabriel Jesus iyaga oo waliba ku doonaya qaab amaah ah.

Wargayska ayaa sheegaya in ay u dhaqaaqista Juventus ee Jesus in ay ku xidhantahay ka tagista Cristiano Ronaldo kaas oo si weyn loola xidhiidhinayo ka tagista kooxda.

Man City ayaa dhankeeda la sheegayaa in ay u furantahay in ay iska iibiso xiddiga reer Brazil suuqa xagaaga iyaga oo doonaya in ay helaan lacag ay ku xoojiyaan kooxda.

Si kasta ha ahaatee Juventus ayaa kaliya diyaar u ah in ay xiddiga Gabriel Jesus kula wareegto qaab amaah ah ka hor inta ayna si toos ah ula wareegin xagaaga dambe.

Gabriel Jesus ayaa ku dhibaatooday in uu qaab joogto ah ugu ciyaaro kooxda Xilli ciyaareedkii hore isaga oo aan ka mid ahayn qorshaha tababare Pep Guardiola.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*