Juventus Oo Arsenal U Soo Bandhigtay Heshiis Isku Badalasho Ah & Labada Xiddig Ee La Is Dhaafsanayo Oo La Ogaaday.

Juventus ayaa diyaar u ah inay Aaron Ramsey u soo bandhigto Arsenal si ay uga helaan Hector Bellerin xagaagan.

Bellerin ayaa ka mid ah xiddigaha waaweyn ee Arsenal ee laga yaabo in ay ka tagaan Kooxda Arsenal suuqa xagaaga xilli uu Mikel Arteta doonayo in uu sii wado dhisida kooxda.

Kooxaha PSG, Barcelona iyo Atletico Madrid ayaa dhamaantood xiiso u qaba saxiixa xiddiga reer Spain kaas oo dhankiisa doonaya in uu isaga tago kooxda.

Laakiin wargayska Sport ayaa sheegaya in ay Juventus diyaarinayso dalab ay Arsenal ugu soo bandhigayso xiddigeedii hore ee Aaron Ramsey si ay u helaan saxiixa daafaca Bellerin suuqa xagaagan.

Dhanka kale xiddiga Aaron Ramsey ayaa haatanba ogolaaday in uu ku biiro kooxda Arsenal hadii ay Gunners aqbasho dalabka kooxda Juventus suuqa kala iibsiga xagaagan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*