Juventus & Barcelona Oo Ku Biiray Tartanka Loogu Jiro Saxiixa Gabriel Jesus.

Kooxaha Barcelona iyo Juventus ayaa lagu soo waramayaa inay wax ka weydiiyeen suurtogalnimada helitaanka weeraryahanka Manchester City Gabriel Jesus.

Xiddiga reer Brazil ayaa muhiim u ah kooxda Man City xilli ciyaareedkan isaga oo 34 kulan u saftay tartamada oo dhan.

Si kasta ha ahaatee 13 ka mid ah kulamadaas ayuu ku bilowday shaxda isaga oo kulamada kale dhamaantood kaydka ku bilowday.

Xiddiga 25 jirka ah ayuu heshiiskiisa kooxda Man City dhici doonaa dhamaadka xilli ciyaareedka sanadka 2023 waxana uu doonayaa in uu isaga tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Waxa jiray warar sheegaya in ay Arsenal wadahadalo horumar leh kula jirto xiddiga si ay u hesho saxiixa xiddiga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Laakiin Arsenal ayaa sidoo kale tartan adag kala kulmaysa kooxaha Barcelona iyo Juventus kuwaas oo doonaya saxiixa xiddiga reer Brazil si ay ugu xoojiyaan weerarkooda.