Juventus & Barcelona Oo Ka Heshiiyay Saxiixa Miralem Pjanic

Miralem Pjanic ayaa qarka u saaran inuu ku laabto Juventus xagaagan ka dib markii Bianconeri ay heshiis la gaartay Barcelona, ​​sida laga soo xigtay Todofichajes.

Wararka ayaa sheegaya in ay Juventus bixin doonto lacag amaah ah oo dhan 3 milyan oo euro si ay ula saxiixato xiddiga iyo waliba mushaharkiisa oo dhan xilli ciyaareedka dambe.

Juventus ayaa xiddiga Pjanic ku qancisay in uu hoos u dhigo musharkiisa si uu ugu laabto kooxda waxana ay haatan isku diyaarinaysaa in ay ku dhawaaqdo saxiixa xiddiga.

Xiddiga khadka dhexe ee Miralem Pjanic ayaa wakhti fiican ku qaatay kooxda Juventus isaga oo xidhiidh fiican la leh tababaraha ku soo laabtay kooxda ee Massimiliano Allegri.

Ku laabashada Pjanic ee Juventus ayaa kooxda ku qasbi doonta in ay iska iibiso xiddigo kooxda jooga waxana la filayaa in ay kooxdu iska iibiso xiddigaha Aarn Ramsey iyo Adrien Rabiot.

Sii Akhriso: Ma Doonaysaa In Uu Jacaylkaagu Waligiis Jiro Oo Aad Is Jeclaataan Inta Aad Adduunka Joogtaan, 8-dan Sir Ayaa Ku Caawin karta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*