Juventsu Oo Sii Wada Natiijooyinka Xun Markana Ku Hor Kuftay Sassuolo

Kooxda Juventus ayaa kulankii 3-aad oo xidhiidh ah aan wax guul ah gaadhin horyaalka Serie A-da kadib markii ay bar-baro la gashay kooxda Sassuolo.

Kulanka ayaa ahaa mid aad u xiiso badan oo ay kooxda Sassuolo soo bandhigtay qaab ciyaareed ay ugu qalantay in ay garaacdo kooxda hogaaminaysa horyaalka Serie A-da.

Juventus ayaa daqiiqadii 6-aadba hogaanka u qabatay ciyaarta kadib markii uu Danilo gool gantaal ah ku furay hogaanka ciyaarta isaga oo kooxdiisa u dhiibay hogaanka.

Juventus ayaa daqiiqadii 12-aad sii dheeraystay hogaanka ciyaarta iyaga oo uu Gonzalo Higuain u dhaliyay goolka kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Laakiin daqiiqadii 29-aad ayay Sassuolo u jawaabtay Juventus kana dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Filip Djuricic kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/2

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ay Juventus u muuqatay kuwo 3-da dhibcood kala baxaya kulanka kuna sii dhawaanaya horyaalka Serie A-da.

Laakiin Kooxda ayaa daqiqiadii 51-aad ku soo laabatay ciyaarta iyaga oo uu goolka bar-baraha u dhaliyay xiddiga Domenico Berardi kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/2.

Sassuolo Ayaan halkaas ku joogsan daqiiqadii 54-aad ayay hogaanka ciyaarta u qabatay kadib markii uu xiddiga Francesco Caputo dhaliyay goolka 3-aad ee ciyaarta.

Kooxda Juventus ayaa daqiiqadii 64-aad dhalisay goolka 3-aad ee bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Alex Sandro kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/3.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Juventus kulankii 3-aad oo xidhiidh aan wax guul ah gaadhin iyada oo 2 kulan bar-baro galay hal kulana laga badiyay.

Sii Akhriso: XASAASI: Dalka Masar Oo Wafti Qarsoodi Ah U Soo Dirtay Somaliland Xilli Muranka Ay Kula Jiraan Itoobiya Cidka Isku shareeray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*