Jurgen Klopp Vs Pep Guardiola: Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Rikoodhka Fool-Ka Foolka Ah Ee Labada Tababare.

Tababarayaasha Jurgen Klopp iyo Pep Guardiola ayuu xafiiltanka ugu weyn ka dhexeeyay Premier Leagu 4 -tii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay.

Liverpool iyo Manchester City ayaa ku tartamay hanashada horyaallada iyo iyo champions League iyaga oo jabinaya rikoodhada kala duwan.

Si kasta ha ahaatee waxa xafiiltankooda xiiso u yeelaya ayaa ah in ay labada tababare ka simanyihiin wax walba kulamada fool-ka-foolka ah ee ay iska hor yimaadeen xirfadooda tababaranimo.

Labada tababare ayaa iska hor yimid 21 kulan iyada oo labada tababare mid walba badiyay 9 kulan isla markaas 3 kulan bar-baro ku dhamaadeen.

Kooxda Klopp ayaa dhalisay 35 gool kulamadaas halka ay kooxda Pep Guardiola dhalisay 39 gool iyada oo City faa’iido yar leedahay.

Dhanka kale kooxda Guardiola ayaa laga dhaliyay 39 gool halka kooxda Jurgen Klopp laga dhaliyay 35 gool kulamadaas ay wada ciyaareen labada tababare.

Sii Akhriso: Gabadheey, Ma Jirtaa Nin Kuugu Yeedhay Kalmada “Macaan”, Ma Is Waydiinaysaa Sababta & Waxa Uu Uga Jeedo, Halkan Kaga Bogo Warbixinta Cajiibka Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*