Jurgen Klopp Oo Xaqiijiyay Xiddig Kooxdiisa Ah Oo Ka Soo Laabtay Dhaawac Taam-na U Ah Kulanka Brigton.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyay in uu xiddiga kabtanka u ah kooxdiisa ee Jordan Henderson ka soo kabsaday dhaawacii uu qabay.

Jurgen Klopp ayaa sheegay in uu Henderson kooxda la qaatay tababarka buuxa waliba diyaar u yahay in uu ciyaaro kulanka Brighton ee premier League.

Warkan ayaa ah mid u fiican Klopp iyo kooxdiisa kuwaas oo ka cabanaya dhaawacyo aad u badan tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedkan.

Isaga oo la hadlaya saxaafada ka hor kulanka Brghton ayuu Klopp yidhi”Hendo waxa uu shalay qaatay tababar buuxa iyo tababar kali ah, waan eegi doonaa fal celiskiisa”.

“Xiddigaha kale waxa ay shalay qaateen tabbabar soo kabsasho, waxa aan eego doonaa saacadaha soo socda kadib ayaan go’aan gaadhi doonaa”ayuu sii raaciyay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*