Jurgen Klopp Oo Xaqiijiyay Wakhtiga Uu Isaga Tagi Doono Liverpool & Halka Uu Ku Dambayn Doono.

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa sheegay inuu sii wadi doono maamulka Liverpool afarta xilli ee soo aadan ka hor inta uusan ku laaban dalkiisa Germany.

Klopp ayaa Reds ku hogaamiyay hanashada horyaalkoodii ugu horreeyay Premier League xilli ciyaareedkan, shan sano ka dib markii uu bedelay Brendan Rodgers.

Tababaraha reer Germany ayaa heshiis cusub u saxiixay Liverpool bishii December 2019 kaasoo kooxda ku sii haynaya ilaa 2024 hadii aan shaqada laga caydhin.

Waxana ay u muuqataa in uu Jurgen Klopp doonayo in uu dhamaysto heshiiskiisa kooxda Liverpool.

Markii la weydiiyay inuu ku laaban doono Germany, Klopp ayaa u sheegay SWR Sport: “Dabcan waxa aan doonayaa in aan ku noolaado Mainz marka aan dhamaysto xirfadayda tababaranimo”.

Waqtiga uu sii joogi doono Anfield, wuxuu ku daray” 4 Sano ayaan sii joogi doonaa Liverpool”.

Klopp oo ka hadlay qorshihiisa mustaqbalka marka uu Germany ku laabtay ayuu sheeggay in uuna muddo sanad ah wax koox ah tababare u noqon doonin.

Intaas ka dib wuxuu xaqiijiyay inuu xiiseynayo inuu ku laabto Tababaranimada halka uu sidoo kale xaqiijiyay in uu ciyaaraha ka fadhiisan karo tababaranimada ciyaaraha.

Sii Akhriso: War Murtiyeedka Laga Soo Saaray Shirkii Dhuusamareeb Uga Socday Maamul Goboleedyada Xubnaha Ka Ah Dowlada Federaalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*