Jurgen Klopp Oo Xaqiijisay Dhaawac Halis Ah Oo Soo Gaadhay Joel Matip.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyay in uu dhaawac halis ah soo gaadhay daafaciisa Joel Matip intii lagu jiray kulankii Tottenham.

Daafaca dhexe ayaa la badalay qaybtii Nasashada kulankii ay Liverpool 3/1 uga badisay Tottenham kana tirsanaa horyaalka premier League.

Klopp oo ciyaarta kadib la hadlaya saxaafada ayaa yidhi”Matip waxa soo gaadhay dhaawac kuraanta ah wax fursad ah uma haysan in uu sii ciyaaro, waxana uu u muuqdaa dhaawac halis ah hadii aan runta ka hadlo”.

Dhaawacan ayaa imanaya xilli ay Liverpool dhamaan dhaawac ku wayday xiddigaha Virgil Van Dijk, Joe Gomez, Fabinho taas oo la macno ah in ay kooxdu tahay bilaa daafac kulamada soo socda.

Liverpool ayaa la sugayaa haatan waxa ay saacadaha ugu dambeeya ee suuqa ka samayso si ay u xaliso dhibaatada daafaca ee ku habsatay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*