Jurgen Klopp Oo Weerar Ku Qaaday Xiddigaha Liverpool & Da’yarka Neco Williams Oo Sabab U Ah.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa xiddigaha Liverpool ku eedeeyay In ay ku guuldareysteen in ay difaacaan da’yarka Neco Williams kulankiisii ​​ugu horeysay ee Premier League.

Jurgen Klopp ayaa sheegay in uu ku qasbanaaday in uu badal ku sameeyo Neco Williams qeybtii labaad ee kulankiisii ​​ugu horeysay ee Premier League ee uu ka horyimid Brighton kadib markii ay xiddigaha kooxdiisu ilaalin waayeen xiddiga 19 jirka ah.

Williams ayaa si lama filaan ah ugu bilaabay shaxdiisa kulankii ka dhacay Amex Stadim isaga oo 45 daqiiqo qaab ciyaareed fiican soo bandhigay.

si kasta ha ahaatee xiddiga ayaa soo maray dhawr xaalad oo adag iyada oo ay ugu horaysay markii uu kaadhka digniinta ah ku qaatay xiddiga Brighton ee Tariq Lamptey.

Si kasta ha ahaatee tababaraha reer Germany ayaa sheegay in uu ku faraxsanaa qaab ciyaareedka Williams laakiin sheegay in ayna xiddigaha kale ee kooxdu qaban shaqo fiican oo ay ku ilaaliyaan da’yarka.

“Waan ogahay in ay kubadu sidan oo kale tahay”ayuu Klopp yidhi.

“Hadii aad xiddig saarto 45 daqiiqo kadib cid walba waxa ay u malaynayaa in uuna fiicnayn laakiin wax dan ah kama lihi arintaas, waxa loo taagay kaadh digniin ah xiddigaha Liverpool-na uma ilaalin sidii la doonayay”.

“Waxa jiray xiddigo dhawr ah oo Brighton oo bartilmaameedsanayay xiddiga sabab la xidhiidha in uu ciyaarayo kulankiisii ugu horeeyay waxana ay doonayeen in uu khalad sameeyo”.

Sii Akhriso: Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Somalia Xasan Cali Khayre Oo Si Adag Uga Soo Hor Jeestay Muddo Kordhin Loo Sameeyo Xukuumada Haatan Kuna Adkaystay In La Qabto Doorashada

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*