Jurgen Klopp Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Uu Kaga Hor Tagi Doono Napoli.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu u qaatay Napels kulanka ka tirsan champions League ee ay la ciyaari doonaan kooxda Napoli.

Klopp ayaa 21 xiddig u doortay in uu kaga hor tago Napoli kulankooda ugu horeeya ee wareega Group-yada tartanka champions League.

Xiddigaha Curtis Jones & Fabio Carvalho ayaa seegay Liiska xiddigaha uu Klopp u qaatay Napels si uu ugaga hor tago kooxda Napoli Habeen dambe.

Laakiin xiddigaha Thiago iyo Arthur ayaa ku soo baxay liiska xiddigaha uu Klopp kaga hor tagi doono kooxda Napoli kulanka habeen dambe.

Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska xiddigaha uu Klopp u xushay kulanka:

Alisson, Gomez, Fabinho, Van Dijk, Thiago, Milner, Firmino, Salah, Adrian, Elliott, Jota, Tsimikas, Diaz, Robertson, Nunez, Arthur, Matip, Bajcetic, Phillips, Alexander-Arnold, Davies.