Jurgen Klopp Oo Sheegay In Uuna Qaadan Doonin Bilada Dahabka Ah Ee Premier League & Sababta Oo La Sheegay.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa balan qaaday in uu biladiisa Dahabka ah ee ku guulaysiga premier League siin doono shaqaalihiisa tababarka midka waaya bilada.

Sidoo kale Tababaraha Liverpool ayaa weerar ku qaaday xeerka premier League ee sheegaya in Bilada la siin doona xiddiga kaliya 5 kulan u ciyaara kooxda.

“Ma garanayo qofka la yimid fikradaas, uma malaynayo in uu yahay xeer fiican sababta oo ah hadii ayna dadku garanayn muhiimada kooxda ku guulaysta horyaalka kadib ma caawin karo”ayuu yidhi.

Xeerka Premier League ayaa sheegaya in aan la gudoonsiin bilada dahabka ah xiddigaha ciyaara wax ka yar kulan oo premier League ah.

Sidoo kale waxa bilada waayi kara qaar ka mid ah shaqaalaha tababarka kooxda Liveprool sabab la xidhiidha in ay ka go’i karaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*