Jurgen Klopp Oo Sharaxay Sababta Uu Trent Alexander-Arnold Ugu Dhibaatoonayo Qaab Ciyaareedka.

Tababaraha Kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa difaacay xiddiga kooxdisa ee Trent Alexander-Arnold isaga oo sharaxay sababta uu qaab ciyaareedka xiddigu hoos ugu dhacay.

Trent Alexander-Arnold ayaa ka mid ahaa xiddiggii ugu fiicanaa Liverpool England xilli ciyaareedkii hore laakiin waxa uu si hoose ugu dhacay qaab ciyaareedkiisu xilli ciyaareedkan.

Xitaa waxa jiray dad tababaraha ugu baaqaya in uu kaydka dhigo xiddiga Trent Alexander-Arnold kulamada soo socda kadib qaab ciyaareedka xun ee uu soo bandhigay.

Klopp oo difaacaya Trent Alexander-Arnold ayaa yidhi”Waa iska caadi in ay dadku sheegaan in aan aydka dhigo sababta oo ah dadku waxa ay u barteen qaab ciyaareedkiisii hore waana arin iska caadi ah”.

“Sababta uu dib ugu heli waayay qaab ciyaareedkiisa waa sabab la xidhiidha xanuunka Korona, Dhaawacii soo gaadhay iyo in uuna soo qaadan isku diyaarin xilli ciyaareed oo fiican”.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Maxaa Keena Hoose U Dhaca Ninka Ee Rabitaanka Kulanka Sariirta

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*