Jurgen Klopp Oo Shaaca Ka Qaaday Sababta Uu Ula Yaabay Ku Soo Laabasahda Cristiano Ronaldo Ee Man United.

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa qirtay inuu ‘la yaabay’ go’aanka Cristiano Ronaldo uu kaga tagay Juventus kuna biiray Manchester United.

Xiddiga 36 jirka ah ayaa ku soo Laabtay Old Trafford maalintii ugu dambaysay suuqii xagaaga iyada oo ku garaacday saxiixiisa kooxda Man City.

Xiddiga reer Portugal ayaa dhaliyay 3 gool labadiisii kulan ee ugu horeeyay ee uu u ciyaaray kooxda Man United

Klopp ayaa qirtay inuu doorbidayay in Ronaldo uusan ku soo laaban Man United laakiin waxa uu qirtay in uu aad ula yaabay rabitaanka xiddiga ee ka tagista Juventus.

‘Miyaan ku faraxsanahay inuu joogo United? Ma dhihi karo taas, run ma ahan! ’Ayuu yiri Klopp.

“Nasiib xuma kuma faraxsani arintaas, laakiin lama yaabin in uu ku soo biiro Man United laakiin waxa aan la yaabay in uu ka tagay Juventus”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*