Jurgen Klopp Oo Saxiixiisa Ugu Horeeya Ee Suuqa January Ka Arkooday Chelsea.

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa lagu soo waramayaa in uu aad u doonayo xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Chelsea ee Callum Hudson-Odoi marka la gaadho suuqa january.

Hudson-Odoi ayaan u ciyaarin wax kulan ah ah ilaa haatan xilli ciyaareedkan premier League isaga oo ku dhibaatoonaya in uu boos ka helo kooxda Tababare Thomas Tuchel.

Xiddiga 20 jirka ah ayaa ku dhawaa in uu ku biiro Borussia Dortmund suuqii xagaaga laakiin Tuchel ayaa diiday in uu fasaxo xiddiga reer England.

Laakiin xiddiga ayaa ku dhibaatoday in uu haatanb boos ka helo kooxda Blues isaga oo aan wax kulan ah u ciyaarin premier League xilli ciyaareedkan.

Sida laga soo xigtay Calcio Mercato, Liverpool ayaa doonaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga marka uu furmo suuqa January si uu Klopp ugu xoojiyo kooxdiisa.

Klopp ayaa Callum Hudson-Odoi U doonaya badalka xiddigaha Mohamed Salah iyo Sadio Mane oo bisha January ee sanadka cusub xulalkooda Africa kala qayb gali doona koobka qaramada qaarada Africa.

Sii Akhriso: Sideed Ku Garanaysaa Qofka Si Qarsoodi Ah Kaaga Fikirayo?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*