Jurgen Klopp Oo Sabab U Sameeyay Dhibaatada Kooxdiisa Ee Garoonka Anfield Xilli Ciyaareedkan.

Tababaraha Kooxda Liverpool ayaa sheegay in maqnaanshaha Taageerayaashu sabab u tahay dhibaatada kooxdiisa ee garoonka Anfield xilli ciyaareedkan.

Kadib markii ay guuldaro kala kulanay Crysta Palace bishii April 2017, Reds ayaan wax guuldaro ah kala kulmin garoonkeeda 68 Kulan oo xidhiidh ah Premier League iyada oo Burnley soo afjartay rikoodhkaas bishii January.

Laakiin Reds ayaa wixii intaas ka dambeeyay 6 guuldaro oo xidhiidh ah kala kulantay garoonkeeda Anfield iyada oo noqon karta 7 kulan hadii ay guuldaro kala kulmaan Aston Villa kulanka galabta.

“Mid ka mid ah sababaha uu weyn waa taageerayaal la’aanta, shaki kuma jiro arintaas”ayuu klopp yidhi.

“Waxa jira kooxo badan oo dhibaatadaas qaba wixii intaas ka dambeeya si fiican umaanu ciyaarin kulamadii ugu dambeeyay ee garoonkeena”ayuu sii raaciyay.

“Waxa jira kulamo qaar aan guuldaro la kulanay garoonkeena laakiin aan aaminsanahay in aan badin karnay waliba ay ahayd in aan badanio laakiin maanu badin’.

“Haatan waxa garoonkeena nalooga badiyay kulan oo xidhiidh ah waana mid dheer waa in aan arintaas badalno waxana aan ku badali karnaa in aan nafteena ka soo saarno qaab ciyaareedka saxda ah”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Kalmado Cajiib Ah Oo Ruxa Qalbiga & Dareenka Gabadha Hadii Ay Kaa Maqasho Nafteeda Ayay Kuu Hibaynaysaa

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*