Jurgen Klopp Oo Qiimeeyay Fursadaha Kooxdiisa Ee Ku Dhamaysiga 4-ta Boos Ee Ugu Sareeya Premier Leageu.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa sheegay in ayna suurtagal ahayn in ay kooxdiisu ku dhamaysato 4-ta boos ee ugu sareeya horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Inkasta oo ay gaadheen guushii 4-aad tan ilaa bishii December Hadana Liverpool ayaa haatan 5 dhibcood ka dambaysa kooxda chelsea ee kaalinta 4-aad ku jirta.

Klopp ayaana sheegay in u so bixista champions league xilli ciyaareedka dambe ee kooxdiisu tahay shaqo adag.

“Waan jecelahay in aan rajo muujiyo laakiin horyaalka ay adagtahay in aan u soo baxno champions League”ayuu Klopp yidhi.

“Tottenham ayaa si fiican u ciyaaraysa sidoo kale Man City iyo Man United aad ayay nooga fog yihiin”.

“Chelsea waxa ay ku jirtaa qaab ciyaareed fiican sidaas darteed ku dhamaysiga 4-ta boos ee ugu sareeya waa mid adag”ayuu sii raaciyay.

“Dhanka kale kuma guulaysato koox ku jirta dhibaato dhaawacyo sideena”ayuu sii raaciyay.

“Sidaas darteed xilli ciyaareedka dambe waxa aan seegi doonaa champions League waxana laga yaabaa in aan ka ciyaarno Europa League inkasta oo aanan xitaa arintaas hubin”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*