Jurgen Klopp Oo Mohamed Salah Ku Tilmaamay In Uu Ka Mid Yahay Xiddigaha Ugu Fiican Taariikhda Kubada Cagta & Cadayn Uu Adeegsaday.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa amaan ugu qubeeyay Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda Liverpool saddex sano ka hor.

Salah ayaa kulankii Arsenal ciyaaray kulankiisii 150 ee Kooxda tan ilaa markii uu ku soobiiray kooxda kagana soo biiray Roma xagaagii 2017.

Xiddiga ayaana ku lug lahaa 130 gool intii uu joogay kooxda Liverpool isaga oo dhaliyay 94 gool caawiyena ka noqday 36 kale tartamada oo dhan.

Klopp ayaana aaminsan in uu xiddiga reer Masar ku lug leeyahy wax ka badan goolasha Liverpool ee ay xogtu muujinayso.

Tababaraha Reds ayaana sheegay in uu la heer yahay xiddigaha ugu fiican taariikhda kubada cagta.

“Kubada cagta wixii uu ka qabtay waa wax khaas ah”ayuu Klopp yidhi.

“Ma garan karo xiddigo kale oo adduunka ah oo sidaas samayn kara”.

“Ma jiraan sababta oo ah waa wax cajiib ah, 94 gool iyo waliba caawinta iyo waxyaabaha kale ee uu ku lug leeyahay sidoo kale”.

“Xogtiisu waa mid aan la rumaysan karin run ahaantii”.

“Marka aad eegto goolasha aan dhalinay ee uu isagu kubada ka dambeeyay waliba xiddigaha kale u furay meel waa arin aan la aamini karin in uu ku lug lahaado 150 gool”.

Sii Akhriso: Somaliland Oo Beesha Caalamka Runta Uga Sheegtay Sababta Ay Dib Ugu Dheceen Wadahadaladii Somaliland & Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*