Jurgen Klopp Oo Magacaabay 3 Kooxood Oo Uu Filayo In Ay Liverpool Kula Tartamaan Premier League Xilli Ciyaareedka Dambe.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa sheegay in uu filayo in ay kooxaha Chelsea, Man United Iyo Man City si xoogan Liverpool ugula tartamaan horyaalka premeir League xilli ciyaareedka dambe.

Jurgen Klopp ayaa Liverpool ku hogaamiyay horyaalka premier League markii ugu horaysay muddo 30 sano ah xilli ay Reds soo bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah.

Liverpool ayaa si fudud u qaaday horyaalka xilli ciyaareedkan iyaga oo jabin kara rikoodhka dhibacaha ugu badan.

Laakiin Klopp ayaan filayn in ay sida xilli ciyaareedkan dhacdo xilli ciyaareedka dambe waliba jiri doonaan 3 koox oo si xoogan ugu tartami doona horyaalka.

“City waxa ay noqon doontaa koox xoogan xilli ciyaareedka dambe, United waxa ay noqon doontaa koox xoogan xilli ciyaareedka dambe, Chelsea waxa ay noqon doontaa koox xoogan xilli ciyaareedka”.

“3-daas koox ayaa sida iska cad u tartami doona horyaalka, City waa koox cajiib ah haatanba, United waxa ay ku jirtaa heer fiican chelsea-na waxa ay dhisaysaa koox fiican kadib saxiixyo ay haatanba samaysay”.

Sii Akhriso: Dalka Shiinaha Oo Si Kulul Uga Hadlay Heshiiskii Dhexmaray Somaliland Taiwan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*