Jurgen Klopp Oo Maamulka Liverpool Ka Dalbaday In Ay Iska Lumin Fursad Ay Ku Heli Karaan Saxiixa Xiddigan.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa maamulka kooxdiisa kua taliyay in ayna iska khasaarin fursad ay ku heli karaan saxiixa xiddiga kooxda Bayern Munich ee David Alaba.

Xiddiga reer Austria Ayaa xor uga tagi doona kooxda Bayern Munich dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana la rumaysanyahay in ay Real Madrid ku horayso baacsiga loogu jiro saxiixiisa.

Wararka ka imanaya Spain ayaa sheegaya in uu Klopp si aad ah u doonayo in uu keeno Liverpool waxana uu maamulka kooxdiisa ka codsaday in ay u keenaan xiddiga.

Klopp ayaa Alaba u arka xiddig ku fiican Reds marka loo eego in uu boosas badan ka ciyaari karo waliba uu qaab xor ah ugu soo biiri doono kooxda.

Sii Akhriso: Kalmado Calaacal Ah Oo Qalbiga Ku Xanuujinaya.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*