Jurgen Klopp Oo Loo Sheegay Uu Adrian U Sheegay In Uu Hal Arin Ka Badalo Ciyaartiisa Kadib Ceebtii Aston Villa.

Tababaraha Kooxda Liverpool ayaa loo sheegay in uu Goolhaye Adrian u sheego in uu badalo qaabka uu Kubada isaga fogeeyo kadib ceebtii 7/2 ahayd ee Liverpool ka soo gaadhay Aston Villa.

Liverpool ayaa la kulantay guuldaradii ugu weynayd tan ilaa markii uu tababare Klopp la wareegay hogaanka kooxda.

Adrian oo xilli ciyaareedkan ku bilowday kulankiisii ugu horeeyay ee premier League kadib dhaawacii soo gaadhay Alisson ayaa sameeyay khaladaad waaweyn.

Xiddigii hore ee Premier League Alan Hutton ayaa Klopp u sheegay in uu Adrian kula taliyo in uu si fiican kubada isaga fogeeyo marka uu haysto.

“sabab ayuu Goolhayaha 2-aad u yahay, waana waxa ay tahay”ayuu Alan Hutton u sheegay Football Insider.

“Gaar ahaan marka uuna todobaadyo ciyaarin waa wax adag in uu si fiican u ciyaaro”.

“Waxa uu is dul dhigay kalsooni weyn in uu bada baas ahaan u ciyaaro”.

“Laakiin waxa fican in uu Klopp u sheego in uu kubada si fiican isaga hogeeyo marka uu goolkiisa ku dhawyahay”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*