Jurgen Klopp Oo Loo Sheegay In Uuna Daafac Cusub U Dhaqaaqin Suuqa January.

Weeraryahankii hore ee kooxda Arsenal John Hartson ayaa sheegay in Liverpool ay u baahan tahay inay ka feejignaato iibsashada daafac dhexe marka la gaadho suuqa January.

Reds ayaa lala xiriirinayay daafacyo dhexe tan ilaa markii uu dhaawacmay Virgil Van Dijk kaas oo dhaawacaas ku seegi doona inta ka dhiman xilli ciyaareedka.

Laakiin Hartson ayaa u sheegay Stadium Astro: “Marka aad fiiriso Jurgen Klopp, wuxuu heystaa laba daafac oo dhexe oo dabiici ah kuwaas oo kala ah Williams iyo Phillips”.

“Sidaas darteed ma ahan in uu si aad ah u raadiyo daafac dhexe”.

“Marka laga yimaado labada daafac ee da’yarka ah, waxa uu haystaa xiddiga Matip iyo waliba Fabinho oo ka ciyaari kara daafaca dhexe”.

“Hadii uu ku ciyaarayo Thiago ma ahan in uu khadka dhexe ee daafaca ka ciyaarsiiyo Fabinho”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*