Jurgen Klopp Oo Loo Sheegay Halka Waddo Ee Ay Liverpool Ku Difaacan Karto Horyaalka Premier League Kadib Dhaawacii Virgil Van Dijk.

Halyeeyga Liverpool Jamie Carragher ayaa ku booriyay Jurgen Klopp in uu la soo saxiixdo daafac cusub 1 bisha January hadii kale uu khatar galiyo difaacashada Liverpool ee horyaalka premier League.

Reds ayaa dhirbaaxo xun la kulantay kadib markii uu dhaawac xoogan jilibka ka soo gaadhay daafaca Virgil Van Dijk isaga oo haatan qaliin gali doona.

Carragher ayaa sheegay in dhaawaca Van Dijk khatar galinayo kooxda ilaa ay Reds lasoo saxiixato daafac kale.

Isaga oo la hadlaya Sky Sport ayuu Carragher Yidhi”Iyada oo la filayo in uu Virgil Van Dijk maqnaado inta ka dhiman xilli ciyaareedkan, Liverpool waa in ay sida ugu dhakhsiyaha badan suuqa January ugu gasho daafac cusub sababta oo ah haatan way ka jilicsanyihiin booskaaas”.

“Waan ogahay in uu suuqa dhawaan xidhmay laakiin waa in ay diyaar u ahaadaan in ay 1 January daafac cusub keenaan”.

Sii Akhriso: Ciidamo Badan Oo Ka Tirsan Kuwa Gaarka U Tababaran Ee Dawlada Federaalka Somaliya Oo Loo Daad-Gureeyay Magaalada Jowhar + Sabab.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*