Jurgen Klopp Oo La Dhacay Daafac U Ciyaara Ajax & Qorshihiisa Suuqa January Oo La Ogaaday.

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku heyso xiddiga Ajax Perr Schuurs ka dib Masiibo dhaawacyo ah oo ku Habsaday kooxda ku ciyaarta Anfield.

Tababaraha Reds ee Jurgen Klopp ayaa haatanba waayay xiddiga Virgil van Dijk inta ka dhiman xilli ciyaareedkan waxa sidoo kale ka dhaawacmay kooxda Fabinho.

Sidaas darteed xiddiga Nathaniel Phillips ayaa buuxiyay booskooda isaga oo ka garab ciyaara Joe Gomez kulankii ay Liverpool guusha ka gaadhay kooxda West Ham laakiin Klopp ayaa isha ku haya xoojin daafaca dhexe marka uu furmo suuqa January.

Wargayska Mirror ayaa sheegaya in uu Klopp la dhacay qaab ciyaareedka daafaca kooxda Ajax ee Schuurs markii ay la ciyaareen kooxda Ajax kulankii Champions League.

Liverpool ayaan ka laba-labayn doonin in ay u dhaqaaqdo xiddiga 20 jirka ah marka la gaadho suuqa kala iibsiga bisha January.

Xiddiga Schuurs ayaa kooxda Ajax kula jira heshiis dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedka dambe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*