Jurgen Klopp Oo Kooxaha Kale Uga Digay Faa’iidada Ay Kooxdiisu Dheertahay Kooxaha kale Ka Hor Xilli Ciyaareedka dambe.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa kooxaha kale u sheegay in ay kooxdiisu haatanba haysato arin ka caawin doonta in ay difaacdaan horyaalka premier League xilli ciyaareedka dambe.

Klopp ayaa sheegay in uu xiddigaha kooxdiisa siin doono wakhti fiican oo ay ku nastaan ka hor dib u bilaabashada xilli ciyaareedka dambe xilli ayna kooxaha kale arintaas heli doonin.

Klopp ayaa qirtay in ciyaarista tartamada yurub ay kooxaha premier League ku noqon doonto madax xanuun sabab la xidhiidha in tartanka la ciyaari doono bisha August.

Kooxaha Manchester City, Manchester United, Wolves & Chelsea ayaa dhamaantood ka qayb gali doona kulamada bisha August xill la filayo in xilli ciyaareedka dambe la bilaabi doono bisha September taas oo uu Klopp ku sheegay in uu ku adkaan doono kooxaha premier League hadii ay gaadhaan wareegyada dambe ee tartanka.

“Xiddigaha Liverpool waxa ay qaadan doonaan Fasax fiican kadib waxa aan rajaynayaa in aan qaadano isku diyaarinta xilli ciyaareedka laakiin waxa jira kooxo premier League ah oo aan intaas heli doonin gaar ahaan kuwa ka qaybta ah tartamada champions League iyo Europa League”.

“Ma garanayo sida ay ku xalin doonaan arintaas laakiin hadii ay Man City gaadho Finalka champions League dhamaadka bisha August waxa ay nooqn doontaa mid ku adag sidoo kale United, chelsea iyo Wolves”.

“dhamaantood waxa ay ciyaari doonaan tartamada yurub bisha August wayna ku adkaan doontaa”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*